Protein: how much do you really need each day?
Between fitness influencers and food labels, protein advice has never been louder — or less consistent. Here is what the evidence supports.
Subax kasta, hooyooyin badan oo Soomaaliyeed oo xanbaarsan carruurtooda, ayaa socod ku jira iyaga oo raadinaya meel caafimaad oo ilmahooda lagu daweeyo.

Subax kasta, hooyooyin badan oo Soomaaliyeed oo xanbaarsan carruurtooda, ayaa socod ku jira iyaga oo raadinaya meel caafimaad oo ilmahooda lagu daweeyo. Qaar waxay ka soo socdaan tuulooyin fog, qaarna xeryaha barakacayaasha ayay ka yimaaddaan. Laakiin dhibaatadu maanta ma aha oo keliya in ilmuhu xanuunsan yahay; dhibaatadu waxay tahay in goobihii lagu daaweyn lahaa ay sii yaraanayaan.
Soomaaliya waxay mar kale wajahaysaa xaalad nafaqo-darro oo carruurta si gaar ah u saamaynaysa.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in ku dhowaad 1.9 milyan oo carruur ah oo Soomaaliya ku nool la filayo inay sannadkan 2026 la kulmaan nafaqo-darro.
Tiradaas gudaheeda, ku dhowaad nus milyan carruur ah ayaa la filayaa inay qabaan nafaqo-darro aad u daran, taas oo ah heerka ugu khatarta badan ee nafaqo-darrada carruurta.
Marka ilmuhu gaaro heerkan, jidhkiisu wuxuu waayaa awooddii uu kula dagaallami lahaa cudurrada. Xanuun yar oo ilmaha caafimaadka qaba laga yaabo inuu si fudud uga soo kabsado, wuxuu ilmaha aadka u nafaqo-darran u noqon karaa xaalad naftiisa khatar gelisa.
UNICEF waxay sheegtay in tirada carruurta xarumaha caafimaadka loo keenayo nafaqo-darrada daran iyo dhibaatooyinka la socda ay 32% korodhay marka loo eego xilliyadii hore.
Halkan ayay xaaladdu ka sii murug badan tahay.
Tan iyo markii la bilaabay dhimista taageeradii bani’aadantinimo, ugu yaraan 205 xarumood oo caafimaad iyo nafaqo ah ayaa albaabada loo laabay, sida ay sheegtay UNICEF.
Waxaa kale oo jira cabsi ah in tiradu gaadho ilaa 618 xarumood oo caafimaad oo dalka oo dhan ah haddii maalgelintu sii yaraato.
Bal qiyaas hooyo haysata ilmo aad u tabar daran.
Haddii xaruntii caafimaad ee ugu dhowayd ay xidhan tahay, hooyadu waa inay meel kale raadsataa. Haddii meeshaasi ka fog tahay, waxay u baahan tahay gaadiid, lacag iyo waqti. Haddii safarku dheeraado, daaweyntuna dib ayay u dhacaysaa.
Dib u dhacaasna mararka qaarkood wuxuu noqon karaa farqiga u dhexeeya ilmo la badbaadiyo iyo ilmo la waayo.
James Elder, afhayeenka UNICEF, ayaa ka digay in marka xarumaha caafimaadku yaraadaan ay hooyooyinka iyo carruurtu safarro dheer galaan, taasina ay keento in daaweyntu dib u dhacdo, xanuunkuna kasii daro, khatarta dhimashada laga hortagi karana ay korodho.
Nafaqo-darradu kaligeed ma aha dhibaatada.
Soomaaliya waxay isku mar la tacaalaysaa abaar, isbeddelka cimilada, colaado, barakac iyo korodhka qiimaha nolosha.
Meelo ka mid ah waqooyiga dalka waxaa ka jira abaaro culus. Markii roobku yaraado, biyuhu way yaraanayaan, xooluhu way daciifayaan, noloshii reer miyiguna way adkaanaysaa.
Qoys markii hore awoodi jiray inuu ilmahiisa siiyo cunto ku filan ayaa laga yaabaa inuu maanta la kulmo xaalad aanu awoodin inuu helo cunto ku filan, biyo nadiif ah iyo adeeg caafimaad oo dhow.
Dhanka kale, colaadaha iyo barakacu waxay qoysas badan ka fogeeyaan guryahoodii iyo noloshii ay yaqaaneen.
UNICEF waxay hore uga digtay in isku darka abaarta, colaadaha, barakaca iyo hoos u dhaca maalgelinta bani’aadantinimo uu sii xumaynayo xaaladda carruurta Soomaaliyeed.
Dhibaatada kale waa lacagta.
Hay’adda Médecins Sans Frontières (MSF) ayaa sheegtay in taageerada caalamiga ah ee wax looga qabanayo nafaqo-darrada Soomaaliya ay sannadkan si weyn hoos ugu dhacday.
MSF waxay sheegtay in taageerada caalamiga ahi ay 88% ka hoosayso heerarkii 2022, halka qorshaha jawaabta bani’aadantinimada Soomaaliya ee 2026 uu isna si weyn u yaraaday.
Mararka qaarkood tirooyinka boqolleyda ah waxay u muuqdaan tirooyin keliya.
Laakiin 88% ma aha tiro keliya.
Waxay noqon kartaa xarun caafimaad oo albaabada loo xidhay.
Waxay noqon kartaa sariir aan bannaanayn.
Waxay noqon kartaa dawo aan soo gaadhin xarumaha.
Waxay noqon kartaa gaadhi ambalaas ah oo aan shidaal haysan.
Waxayna ugu dambayn noqon kartaa hooyo ilmaheeda la sugaysa, iyadoo aan garanayn halka ay caawimo ka heli karto.
Xaaladda ka jirta magaalada Baydhabo ayaa muujinaysa sida dhibaatadu u qoto dheer tahay.
Sahan ay MSF samaysay bishii Luulyo 2026 oo lagu eegayay carruur ku nool goobaha barakacayaasha ee Baydhabo ayaa lagu ogaaday in mid ka mid ah labadii carruur ah uu qabo nafaqo-darro ba'an, halka mid ka mid ah afartii carruur ah uu qabo nafaqo-darro aad u daran.
Tani waxay ina tusaysaa in dhibaatadu aanay ahayn saadaal mustaqbal oo keliya.
Carruur ayaa hadda la ildaran.
Hooyooyin ayaa hadda raadinaya gargaar.
Shaqaale caafimaad ayaa hadda wajahaya baahi ka badan awoodda xarumahooda.
Maxaa dhacaya haddii xaaladdu sidan ku sii socoto?
Haddii xarumaha caafimaadku sii xidhmaan, maalgelintuna sii yaraato, qoysaskuna ay sii waayaan awoodda ay ku heli lahaayeen cunto iyo adeeg caafimaad, xaaladdu waxay noqon kartaa mid ka sii adag.
Ilmaha nafaqo-darradu hayso wuxuu u nugul yahay cudurro kale. Haddii daaweyntu dib u dhacdo, xaaladdu way sii xumaan kartaa.
UNICEF waxay sheegtay in nafaqo-darrada daran ay carruurta geliso khatar weyn, gaar ahaan marka ay la socoto cudurro iyo adeeg caafimaad oo aan si fudud loo heli karin.
Sidaas darteed, arrintani ma aha oo keliya arrin ku saabsan cunto.
Waa arrin ku saabsan caafimaad, biyo, nolol, amni, dhaqaale iyo mustaqbalka carruurta.
Waxaa laga yaabaa in tirooyinka 1.9 milyan, 32%, 205 ama 618 ay marka hore u muuqdaan tirooyin waaweyn oo aan wejiyo lahayn.
Laakiin tirada 1.9 milyan waxay ka kooban tahay carruur leh magacyo, hooyooyin, aabbayaal, walaalo iyo riyooyin.
Mid wuxuu rabaa inuu noqdo macallin.
Mid wuxuu rabaa inuu noqdo dhakhtar.
Mid wuxuu rabaa inuu kubbad ciyaaro.
Mid kalena weli waa ilmo yar oo aan xataa garanayn waxa berri ku dhici doona.
Waxa keliya ee uu u baahan yahay waa cunto, daryeel iyo fursad uu ku koro.
Soomaaliya waxay mar kale taagan tahay meel u baahan in aan indhaha laga qarsan.
Dhibaatadu way jirtaa.
Carruurtuna maanta ayay u baahan yihiin caawimo.
Marka xarun caafimaad la xidho, masaafadu way dheeraataa. Marka masaafadu dheeraato, daaweyntu way dib dhacdaa. Marka daaweyntu dib u dhacdo, nolosha ilmaha ayaa khatar gasha.
Taasi waa sababta fariinta ugu weyn ee xaaladdan adag:
Waqtigan ma aha waqtigii Soomaaliya laga jeesan lahaa. Waa waqtigii carruurteeda loo soo dhowaan lahaa.
Médecins Sans Frontières. (2026, August 11). Somalia: Survey of displaced families in Baidoa finds every second child malnourished. MSF
UNICEF. (2026, May 15). UN agencies warn of worsening hunger and malnutrition crisis in Somalia as famine risk emerges. UNICEF Somalia
UNICEF. (2026). Somalia 2026 humanitarian action for children appeal. UNICEF Somalia Appeal
Williams, M. (2026, August 21). Somali child hunger crisis deepens as facilities close due to aid cuts, UNICEF says. Reuters. Reuters
We're building a moderated discussion space. Until then, replies are open on our social channels.
Between fitness influencers and food labels, protein advice has never been louder — or less consistent. Here is what the evidence supports.
Not every packaged food is a problem. A simple framework for deciding what belongs in your trolley.